|
|||||
Gabileynewsonline.com
Kuala La Xidhiidha Xoojinta Amniga Xuduudaha DDS & Somaliland Oo Ka Dhacay Boorama
August 13, 2022 - Written by Maxamed Jeex
Waxaa maanta magaalada Boorama lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen wafti ka socday dawlad deegaanka Soomaalida oo uu hogaaminayay wasiirka xafiiska Xirfadaha & shaqa abuurka DDs Xuseen Gaydh Axmed, iyo maamulka gobolka Awdal ee Somaliland oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim.(Timbaro) Kulan kaa ayaa looga hadlayay iskaashiga amniga iyo xoojinta xuduudaha labada dhinac, waxaana ka soo qayb galay Laamaha Amniga ee Gobollada Faafan ee Gobolka Awdal, hase yeeshee waxyaabihii sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ahaa sugidda amniga xuduudaha, wacyigelinta Bulshada ee kor u qaadida amniga, ka war qabka isku socodka bulshada la dagaalanka, Fikradaha Xagjirnimada iyo in la iska kaashkooxaha Argagixisada. Gobolka Faafan ayaa xuduud dheer la wadaaga gobolka Awdal, waxaana kulan kaa ka soo qayb galeen maamulada degmooyinka xuduudka dhaca ee Harawa, Awbarre, shirkan ayaa ku soo beegmayaa xilli dawladda deegaanka Soomaalida ay awood saartay adkaynta amniga xuduudaha deegaanka la wadaago deegaanada deriska la ah.
COMMENTS
|
Latest News
|