|
|||||
Gabileynewsonline.com
Banaanbaxyo waawayn oo saaka ka billowday Magaalada Addis-abab ee dalka Itoobiya
October 22, 2022 - Written by adminSabti, October, 22, 2022 (Haldoor News) – Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa saaka ka billowday banaanbaxyo nabadeed oo waawayn, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilmaantay faragalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya.
Dadkan banaanbaxyada samaynaya ayaa wata boodhadh ay ku qoran yihiin erayo ka tarjumaya dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan cid kasta oo isku dayda inay soo faragaliso wixii khuseeya arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa banaanbaxyadan uga dan leh sidii ay dalalka shisheeye u tusi lahayd in aan marnaba lasoo dhex gali karin waxa ka soconaya gudaha dalka Itoobiya, ee dowladdu iyadu xalinsanayso wixii dhibaato ama khilaaf ah ee ka taagan gudaha dalka Itoobiya.
COMMENTS
|
Latest News
|