Published:

Ganacsatada Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Inay Alshabaab weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu Yeedheen sakaawaad iyo cashuur.

Qaar kamid ah ganacsatadan oo la hadlay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in Alshabaab lacagahan uga qaadaan meel aan ka fogayn aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyo suuqa bakaaraha.

Ganacsatadu waxay sheegeen inaysan waxba iska beddelin lacagihii laga qaadi jiray tan iyo markii dowladdu ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo kooxda Alshabaab.

Sidoo kale Waxay Ganacsatadu sheegeen xoolaha marka laga dhoofinayo dekedaha Boosaaso iyo Berbera in cashuur lagaga Qaado bar kantarool oo Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Buqda oo 40km u jira magaalada Buulo Burde.

Waxay ku eedeeyeen dallada dhoofinta xoolaha inay Alshabaab kula heshiisay ciddii aan warqad ka wadinin dalladooda in aysan xoolo ka dhoofin karin dalka.

Dhinaca kale dallada dhoofinta xoolaha ayaa beenisay eedda loosoo jeediyay, waxayna sheegeen in uusan jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo Ururka Alshabaab. Waxa kale oo Ay beeniyeen in Alshabaab ay lacago siiyaan.

News Related