Published:

-Siyaasi Mustafe Sayid Abokor Oo kamid ahaa xildhibaanadii hore ee golaha deegaanka gabiley ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee cakiran ee dalka ka taagan iyo khilaafka xukuumada iyo mucaaridka isagoo sheegay in madaxwaynaha Somaliland diiday in uu gar qaato.

Sidoo kale mustafe sayid ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go,aamadii kazoo baxay shirkii golaha fulinta ee xisbi xaakimka kulmiye oo uu tilmaamay in kuwii lays lahaa madaxwaynaha ayay qaban ay iyagii waxaasi soo saareen oo ay kala garan waayeen xisbiyada qaranku in ay siman yihiin

Dhanka kale xildhibaan hore mustafe sayid ayaa golaha deegaanka ee gabiley ugu baaqay in ay lasinaadaan golayaasha deegaanka ee dalka joojinaana abaabulka bulshada ee k jihaysan ujawaabista mucaaridka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

" Dawlada Hoose Gabiley Ha Ku Eekaato Shaqadeeda ... " Xildhibaan Hore Mustafe Sayid

 

News Related