Gabileynewsonline.com
Xasilooni-Darro Somaliland Ka Dhacdaa Waxay Fursad Siinaysaa Alshabaab” Crisis Group
November 11, 2022 - Written by admin

Khubarada maxadku waxay oddoroseen in xaalka siyaasaddu sii cakirmo, ballanqaadyaduna noqdaan hal bacaad lagu lisay. Waxaanay ku sababeeyeen qodobbadan soo socda:

  1. Dhinacyada mucaaridka iyo xukuumadda oo aad u sii kala fogaanaya, dhinac walbana muujinayo danayn si loo xalliyo. Si gaar ah, waxay farta ugu fiiqeen xukuumadda oo ka caga jiidaysay dhegaysiga tabashooyinka mucaaridka iyo ergooyinkii isku dayay furdaaminta dhibta. Sidoo kale, waxa hoos u dhacay firfircoonidii lagu yaqaanay Guurtida, iyagoo doorkan ka gaabiyey dedaalladii hore ee lagu yaqaannay.
  2. Saamaynta qabiilka oo aad kor ugu kacday, marka loo eego doorashooyinkii hore. Arrinkan waxa ka dhashay in qabiil kastaaba xisbigiisa u arko lama taabtaan, isla qabiilka oo noqday cidda sida rasmiga ah u gaadha go’aannada xisbiga, iyagoo daaha dabadiisa ka maamulaya.
  3. Arrinka saddexaad, ee falanqaynta Maxadka lagu sheegay, caqabadna ku noqon kara xal waara in laga gaadho khilaafka, ayaa ah maalgashiga caalamiga ah ee sanaddadii dambe ka bilaabmay Somaliland. Khubaradani waxay aaminsanyihiin in maalgashigaasi xukuumadda ku abuuri karo isku hallayn, ay markasta ka filato saaxiibbada maalgashiga sameeyey, oo iyaguna danahooda ilaashanaya. Waxaana suurogal ah in xukuumaddu is tusto inay ka maarantay hababkii soo jireenka ahaa ee khilaafaadka lagu xallin jiray. Shirkadda DP World ayaa maalgashatay dekedda Berbera, dalka Taywan ayaa xidhiidho dhow la sameeyey Somaliland, Ingiriiska ayaa maalgalinaya waddooyin muhiim ah, halka dawlado kalena u hanqal taagayaan goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo. Arrinkani wuxuu keeni karaa in xukuumaddu isku hallayso awoodahaas khaaraiiga ah.

Ugu dambayn, falanqaynta Khubarada maxadku waxay hoosta ka xariiqday dedaallada beesha caalamku wadaan, taas oo noqon karta qaabka ugu muhiimsan ee laga samatabixin karo xaaladda Somaliland ee jarka ka laallaadda. Dhawaan beesha caalamku waxay ku adkeeyeen xukuumadda inay doorashooyinka ku qabato muddada Komishanka Doorashooyinku cayimay, iyo in uu miiska wada-tashiga la fadhiisto axsaabta mucaaridka ah.

COMMENTS
Latest News