Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Diiriye Daarood.
December 25, 2022 - Written by admin

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa isaguna marxuumka tacsi tiiraanyo leh u diray, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsida kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa haldoorka astaanta u ah nabadda iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey nabad-doon tacab badan geliyey sidii ay bulshadiisu wada-jir ugu horumari lahayd.