Published:

Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland   ayaa cambaareeyey Xadhiga  xukuumadu kula kacday Axmed Maxamed Daa,uud Oo mudo ku xidhan Magaalada Hargeysa.

Waxaanu qoraalkiisa Xildhibaanku Ku Yidhi “Xadhiga Siyaasi Ahmed Daud waa barmadow oo ku taal Xukuumada talada haysa, haday bilays yihiin iyo qaybaheeda kaleba

Qaabka loo qabtay wuxuu la mid ahaa sida kuwa  argagixisada loo qabto, waxa loo gaystay jidhdil anshaxa bilayska ka baxsan, waxa loo soo dhacay Guriga xildhibaanadu leeyihiin oo aan anigu ka masuul ahay isaga jooga.

Looma soo qaadan wax waaran ah oo guriga lagu soo galo iyo mid isaga lagu xidho toona.

Waxaanu u sheegayna Xukumada inaanay Guul siyaasi ah ka gaadhayn xadhiga noocaas ah ee aan ku dhisnayn Sharci iyo sharaf toona, wixii laga dhaxlaana u sumcad daro iyo ceeb u keeni doono”

News Related