Published:

)-Ciidanka booliska magaalada gabiley ayaa maanta xabsiga utaxaabay ayaanle jooqle oo kamid ah dhalinyarada fir fircoon ee magaalada gabiley

Xadhiga ayaanle jooqle ayaan sheegin sobobta ay uxidheen ciidanka booliska kaasi oo hada ku xidhan saldhiga magaalada gabiley.

Dhawaan ayay ahayd markii ayaanle jooqle uu warbaahinta kaga hadlay qaabka ay usocoto diwaangalinta gabiley isagoo dhaliila ujeediyay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta oo isagu xukuumada ku matala gobolka gabiley

Cada sobobta loo xidhay muwaadinkan iyo sharciyada loo adeegsaday qabashadiisu xili uu ku sugnaa goobaha ay ku kulmaan dhalinyarada magaalada gabiley

Qaarkamid ah dadkii goob jooga ahaa markii ciidanka boolisku qabanayeen ayaanle ayaa sheegay inay ugaysteen jidh dil.

Wixii kasoo kordha xadhiga ayaanle jooqle iyo cida amartay xadhigiisa  kala soco wararkeena danbe.

News Related