Published:

Maalmahan waxa degmada Borama ka socda is maandhaaf u dhexeeya madaxda dawladda hoose oo ku saabsan shaqaalayn dhinac ka raran oo la doonayo in laga gaadhsiiyo muddada uu maqan yahay mayor Baradhe oo Cimro aaday, Alle ha ka aqbalee.

Liisaska habka tahriibka ah la doonayay in loo meelmariyo waxa hor istaagay xoghayaha degmada una gudbiyay badhasaabka gobolka oo hakiyay.

Waxa la sheegayaa in mayor xigeen Yaasiin Daheeye dedaal badan ku bixiyay meelmarinta mashruucan isaga oo kaashanaya labo dhinac oo ka mid ah saddexgeesoodka degmada, gacanna ka helaya wasiirro ay kamidyihiin Saajin marwo Amina Elmi & Agaasime Ahmed Hassan Aw Adan oo faro dheer dhaxwada degmada Borama.

Wasiirrada galbeed loo soo diray waxa laga sugayay inay dardar geliyaan diiwaangelinta, hase yeeshee qaarkood baa la hadal hayaa inay rabshado ku fureen hawlmaalmeedka degmooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxan soo jeedinayaa in wasiirradu & agaasimayaashu shaqooyinkooda ku ekaadaan, madaxda degmada iyo gobolkuna habkii wada shaqaynta iyo wadatashiga ku dhisnaa ee loo bogay hawshooda u wataan.

News Related