Gabileynewsonline.com
Madaxwaynaha Jsl Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid ah Golihiisa Wasiirada
January 4, 2023 - Written by admin

Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
Latest News