Published:

talada qofka ka waawayni ku jiro in aanay inta kale faraha la soo gali karin oo waata la yidhaado geela hal baarqab uun baa ku jira awrkii kale ee luqunta taaga qoorta ayuu ka jabiyaa .

Waxa aan uga socdaa tusaaleyaasha aynu soo qaadanay marka aynu dhaqankii , taladii iyo noloshii miyiga joogno dhamaantood waxa ay ahaayeen wax ku haboon laakiin nidaamka maamulka iyo dawladnimada casriga ah laguma dabiqi karo.

Dawladnimada casriga ah iyo hanaanka maanta ugu wanaagsan ee la isku maamulaa waa in talada la wadaago , la isweydiiyo yaa ina wadi karaa iyo xagee aynu u socon karnaa oo aanu qof talada maroorsan ama inta ugu waaweyn ummadu aanay kaligood isku koobin ee ay da’yartana ka qayb galiyaan.

Waxa aan is leeyahay arintani lafteeda tusaalaha ugu wanaagsan waxa aynu u soo qaadaneynaa xili beel ka mid ah beelaha Somaliland ay arinsanaysay taariikh hore ayaa waxa la yidhi waxa la arkay iyada oo waayeelka la ururinayo si golaha lagu arinsanayo loo geeyo dabadeedna Suldaan Diiriye oo yar baa waxa ka soo yeeshay waayeel ha gurina ee wax aqoonka gura , ereygiisii ayaa lagaga qayb galiyey taladii waxaana uu noqday talo qabeen ilaa loo caleemo saaray suldaan.

Hogaamintu hadaba kaliya lagama eego xaga adadayga qofka ee waxa ay sumadeeda ugu wanaagsani noqonaysaa in uu ahaado mid umada isku wada , ururiya , mideeya , naxariis badan , dad jecel , talada qaata , tubtana yaqaaana iyo halka loo socdo.

Markaa hadii aynu hogaaminta umada rajo ka doonayno dhaqanka geel-jiraha yeynaan taladeena kawada dhigin ee ha shaqeeyo talo wadaaga , wax isweydiinta , talo badsiga , iyo in da yarta la aamino oo laga qayb galiyo hogaaminta ummadda si aynu hore ugu socono.

 

W/Q; Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

News Related