Published:

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka faalooda arimaha geeska iyo siyaasada arimaha dibada ee jsl ayaa ka hadlay dhoolatuska dawlada maraykanka iyo wadamada ay saaxiibka yihiin ku samaynayaa markii ugu horaysay Somaliland gaar ahaan magaalada berbera.

Sidoo kale siyaasi cadami ayaa ka faalooday faa,iidada dawlada maraykanka ugu jirta in uu xidhiidh la samaysto Somaliland iyo waxyaabaha ay Somaliland ka faa,iidayso dhoolatuskan isagoo sheegay in dawlada somaliya kazoo qaybgali karto balse aanay la iman Karin calankeega buluuga ah.

Dhanka kale siyaasi cadami ayaa eedo culus ujeediyay dadka baraha bulshada waxku qora iyo mareega internetka ee website oo uu sheegay in ay noqdeen qashin qub waxwalba baahiya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Dawladda Somaliya Way imankartaa Dhoola Tuska Milatari ee Berbera Haday buuxiso. Cabdiraxmaan cadami

News Related