Published:

Wasiirkii hore ee wasaarada warshadaha Somaliland xukuumadii axmed siilaanyo siyaasi Shucayb maxamed muuse ayaa munaasibad qado sharaf ah usameeyay dhalinyarada ciyaaraha kala duwan ee magaalada gabiley kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii uu ugu wacyigalin lahaa dhalinyarada gobolka gabiley in ay qaataan kaadhka codbixinta oo diwaangalintiisu ka socoto gobolka.

Sidoo kale Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen xildhibaano katirsan golaha deegaanka gabiley, siyaasiyiin ayaa qaarkamid ah dhalinyarada oo madasha ka hadlay ayaa  siyaasi shucayb uga mahad celiyay casuumada iyo dadaalada uu ug jiro sidii shacabka gobolka gabiley uqaadan lahaayen kaadhka codbixinta iyagoo dhanka kalena sheegay doorkii uu ku lahaa dhiiri galinta ciyaaraha mudadii uu hayay xilalka maayarka gabiley iyo wasiirka warshadaha.

Dhanka kale Ex Wasiir shucayb maxamed musue ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada qado sharaftan iyo sidii dhainyaradu uqaadan lahaayeen kaadhka codbixinta.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Wasiirkii Hore Warshadaaha ayaa Kulan Qaddo Sharaf ah uSameeyey kooxaha Gabiley.

 

News Related