Gabileynewsonline.com
Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha Jsl Oo Kormeer Kusoo Maray Goobaha Diwaangalintu Ka Socoto Ee Wajaae, Geed balaadhan Iyo Allaybaday
January 6, 2023 - Written by admin

Wasiirkii hore ee wasaarada warshadaha somaliland ee xukuumadii axmed siilaanyo shucayb maxamed muuse oo ay weheliyaan xildhibaan axmed ciisood,cuqaal iyo xubno kale ayaa kormeer kusoo maray goobaha diwaangalintu ka socoto ee deegaanada Degmooyinka wajaale, Geed balaadha Iyo Allaybaday Ee Gobolka Gabiley.

Masuuliyiinta Uu Horkacayo Siyaasi Shucayb oo ujeedada safarkoogu sidii ay ugu kuurgali lahaayeen sida ay deegaanada uga socoto qaadashada kaadhka codbixinta ayaa soo dhawayn balaadhan  kala kulmay bulshada ku dhaqan deeganadan kuwaasi oo shacabka ugu baaqeen in ay isdiwaangaliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixintayayaasha.

HALKANKA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Ex Wasiir Shucayb iyo Xil.Ahmed Cisood oo Kormeeray Goobaha Qaadashada Kaadhka Codbixinta ee Gabiley

COMMENTS
Latest News