Published:

“Baarlamaanka Waxaan Ku Adkaynayaa, Xukuumadani Man Date Mahaysato, Ee Madaxwaynaha Maamuus Ka Xayuubin Ha Lagu Sameeyo, Waxkasta Oo Dhibaato Ku Ah Qaranka Wuu Sameeyay, Oo Buuxinaya Shuruudaha Xilka Lagaga Xayuubiyo Ah”Gudoomiye Axmedkayse.

Gudoomiyaha xisbiga waddani ee Gobolka Gabiley Garyaqaan Axmed-kayse Maxamed Bookh ayaa ka hadlay xaalada colaadeed ee ka taagan magaalada laascanood oo sheegay in xukuumadu ku fashilantay waxka qabashadeeda islamarkaana ay xaaraan tahay in ay maanta ku sheegto argagixiso muwaadiniinta reer sool.

Sidoo kale Gudoomiye garyaqaan axmed kayse ayaa golayaasha qaranka ugu baaqay in xilka xayuubin lagu sameeyo madaxwayne biixi oo uu sheegay in uu buuxiyo waxkasta oo sharciyayna in xilka laga xayuubiyo.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka gabiley ayaa bogaadiyay hadalka qaarkamid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo iyagu kazoo horjeestay dagaalka ay xukuumadu ka wado magaalada laascanood.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

"Madaxweyne Muuse 5 Sanno ayaa la Doortay wayna ka Dhamaadeen" Gudoomiyaha Waddani ee Gabiley

News Related