Published:

-Ugu yaraan 59 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhintay tobonaan kale ayaa laga cabsi qabaa in la la’ayahay kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda kacsan ee koonfurta Talyaaniga.

Doontan ayaa degtay xilli ay isku dayaysay inay gaadho meel u dhow magaalada Crotone maalintii Axadda.

Tahriibayaal u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan, Soomaaliya iyo Iran ayaa la socday doonta.

Saraakiisha Talyaaniga ayaa sheegay in ilmo yar uu ka mid ahaa dadka dhintay.

Wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi, oo goobta booqday ayaa sheegay in ilaa 30 qof laga yaabo in wali la la’yahay.

Meydadka ayaa laga soo saaray xeebta meel loo tamashle tago oo u dhow xeebta gobolka Calabria.

Doontan ayaa la sheegay in ay degtay kadib markii uu ku dhacay dhagxaan xili cimiladu ay aad u adkeyd, waxaana halkaasi ka dhacay howlgal lagu baadigoobayay bad iyo berriba.

Badbaadayaasha ayaa la arkayaa iyagoo bustayaal ku hoos jira, oo ay caawinayaan shaqaalaha bisha Cas.

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in 80 qof la helay iyagoo nool, kuwaas oo ay ku jiraan qaar ay u suurtagashay in ay gaaraan xeebta ka dib markii ay ka degeen doonta.

Ilaa hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka la socday doonidaasi oo maalmo ka hor ka soo shiraacatay dalka Turkiga.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in doontu ay sidday in ka badan 200 oo qof, taasoo ka dhigan in in ka badan 60 qof aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen

News Related