Published:

Fadhigii golaha wakiilada somaliland ee saaka oo shir gudoominayay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha siciid giire ayaa waxaa hadheeyay buuq iyo sawaxan kadib markii uu amray in fadhiga laga saaro xildhibaan maxamed abiib oo hore looga joojiyay fadhiyada golaha balse xildhibaano golaha katirsan isku dayeen in la saamaxo isna uu bixiyo raali galin taasi oo uu xildhibaan maxamed abiib diiday in uu bixiyo wax raali galin iyadoo sobobtay in ciidamadu soo galeen fadhiga islamarkaana xoog ku saaraan xil maxamed abiib

Dhanka kale fadhigii golaha ayaa laga soo saaray in xildhibaan maxamed abiib aanu kasoo qaybgalikarin fadhiyada golaha ilaa 07/04/2023.

HALKAN KA DAAWO MUUQALKA WARKAN;

Buuq iyo gacan ka hadal ka dhashay fadhigii Golaha Wakiiladda

News Related