Published:

doono madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida mustafe muxumed cagjar oo xukuumada somaliland ku eedaysay in uu qayb ka ahaa colaada ka taagan magaalada laascanood islamarkaana dagaalada dhexmaray ciidanka somaliland lagu qabtay askar katirsan ciidanka dawlad deegaanka ee liyuu booliska, wallow ay maamulka madaxwayne cagjar iska fogeeyeen eedahaasi uga yimid somaliland,

Dhanka kale gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ayaa lafilayaa in uu magaalada jig jiga uga sii gudbo magaalda adis abaaba ee itoobiya taasi oo lagu wado in ay ka qabsoomaan wada hadalo ay dawlada itoobiya wado oo udhexeeya garaaradda gobolka sool iyo xukuumada somaliland oo ay qayb ka yihiin madaxdhaqameedkii reer somaliland oo iyagu isku xilqaamay xal uhelida dagaalka magaalada laascanood, kuwaasi oo mudo gogol nabadeed ufadhiyay magaaalada caynabo wallow aanay suurto galin in ay kulan la qaataan madxadhaqameedka gobolka sool,

Waxaa sidoo kale magaalada adis ababa ee caasimada itoobiya ku sugan musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro oo la sheegay in uu isagu halkaasi utagay arimo la xidhiidha wada hadalka somaliland iyo garaadada g, sool xili uu la aragti yahay gudoomiye khaliif oo ah mudane kasoo baxay xisbigiisa, taasi oo laga shaki qabo in ay dhinac ka noqdaan aragtida xal uhelida laascanood ee xukuumada somaliland aaminsan tahay.

Wixii kazoo Kordha kala Soco Wararkeena Danbe.

News Related