|
|||||
Gabileynewsonline.com
Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku Dhaliilay Maraakiib Sida Shidaal Oo Ay Udiiday Inay Ku Shubaan Haamaha Berbera
March 7, 2023 - Written by admin
Maraakiibtan ayaa maalin kasta oo ay badda ku sii nagadaan dhiigbax dhaqaale ku ah ganacsatada dalka. Dhanka kale, ummada reer Somaliland ee loo diidan yahay iney helaan shidaal jaban ayaa waxa dhiiga ka jaqay shirkada xukuumadu wadato maalin kasta oo maraakiibta shidaalka jaban sida badda lagu sii hayo. Faro-gelinta iyo kootada loo xidho shaqsiyaad iyo shirkado xukuumada iyo madaxtooyada SL ay wadato ayaa keenay dhibaatooyin waawayn oo soo gaadhay ganacsiga xorta ahaa ee Somaliland kuwaas oo qaarkood ay keeneen dagaalo sokeeye oo dalka ka qarxay oo ganacsato shalay shaqo abuurayaal ahaa hada ay yihiin qaar dirays xidhan oo dagaal dhiig badani ku daatay ku jira. Xisbiga Waddani wuxuu si adag u cambaaraynayaa bahalnimada iyo ma naxaanimada xukuumada hore ee talada haysa. Waxaanu dadka ugu baaqayaa iney ka dhiidhiyaan siyaasadaha cadawnimadu ka muuqato ee xukuumadii ay doorteen caadaystay xili ay ku jiraan sicir-barar, abbaaro, iyo qax baahsan. Fiiro Gaara: ⁰Heerka maadadda SALFARTA ee Soomaalilaan qaadi kartaa waa ilaa 5,000 PPM marka la eego taagteeda dhaqaale iyo duruufaha ay maanta ku jirto ee qalafsan. Xukuumada waxaa haboonayd iney caafimaadka dadka xil iska saarto oo dawadda iyo raashinka tayadoodda adkayso intay ay baabuurta mishiinadooda ka warwarayso (dabcan baabuurna uma danaynayso ee cid baa dhaqaale loo samaynayaa) Allaa Mahad leh Xamse Cabdiraxmaan Khayre Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska
COMMENTS
|
Latest News
|