Published:


Diiniyan Ma Banaana Dhiiga Muslimka iyo dagalkoodu
Muslim islaaya, dhiig Muslim iyo dil Muslim midna ma banaana diiniyan ee caruurta, dumarka iyo cidwal oo ku dhimanaysa ama waxyeelo ka soo gaadhayso dagalaada ka socda gobolka Sool hala joojiyo oo Allah haloo noqdo labada dhinacba oo aakhiradiina u tudha. Aakhiro Waddan, Qabiil, dhul, reer iyo ehel midna kama shaqeeyo ee qof walba wuxuu aakhiro sii dhigtay ee uu usii shaqaystay ayuunbu helayaa.
Nabigeenii Suubanaa CSW, wuxuu inoo sheegay
” haddii laba nin ama qof oo Muslim ahi seef isku qaataan oo mid la dilo in labaduba Naarta galayaan waayo ka ladilayba wuu dili rabee kanaa kaga horeeyey oo hor dilay”, isna sacadaa ka dhamatay
Markaa waxaan idin leeyahay, waar Allah halaga cabsado labada dhinacba, oo nina aakhiro qabiil, reer, iyo awlaad u dhalay midna raaci mayso oo kaligii ayaa la xisaabinayaa oo aanad qofna waxba u tarayn xitaa waalidkii ku dhalay iyo caruurtadiibee ee Allah halaga baqo. Dhiig qof Islam ahina ma banaaana ood qabyaalad, siyaasad iyo dhul ku daadisaan ilaa Jihaadka Allah dartiis, maalkaga, awlaadada iyo naftaada oo lagugu soo doonto mooyee.
Waxaan kula talinayaa Xukuumada Soomaali Land iyo Isimada, Garaadada reer Sool inay dagaalka joojiyaan oo Allah ka baqaan maatida la baro kiciyey ee dilka, gaajada, dhaxanta iyo rafaadka lagu riday loo tudho oo dagaalka si bilaa shuruud ah loo joojiyo magaaladoodana loo soo celiyo. Ciidanka Qaranka Soomaali Landna halkaa ay imika ku jiraan ka joogaan kuwa hiil harti ee meelahaas ka kala yimidna ka baxaan oo meelihi ay ka kala yimaadeen ku noqdaan oo dhibka iyo dagaalka laga dul qaado shicibka iyo maatida reer Laas Caanood ee maalin kasta xabadaha iyo madaafiicda lala doonanayo.
Magaaladana shicibka keedii ku soo noqdaan oo noloshoodii dib usoo dhistaan oo aan lagu dul dagaalamin oo meelahaas wada hadalka Garaadada iyo Soomaali land ku qabsadaan ciidamada Qaranka iyo ku SSC na xeryohoodo joogaan. Haday israbaana xeryahooda isku raadsadaan way garanayaan halkuu midwaliba degen yahay ama joogee. Ooy aakhiradooda, naftooda, dalkooda iyo diintoodaba ku ciyaarayaan ooy dhiig Muslim oo walaalkood rabaan.
Markaa Allah haloo noqdo aakhiro Ilaahay idinka qori maayo Isaaq ayaan u dagaalamayey khaatumo ayaan u dagaalamayey, Soomaali land ayaan u dagaalamayey iyo Hiil Harti ayaan ahaa toona. Waa iga waano iyo talo. Allaahu maa Balaqtu. Allah dariiqa toosan hayna garansiiyo dhamaan. Dhiiga walaalkaga Muslimka ahna jooji daadintiisa oo diinta iyo Allah ka cabasigu ha inagu waynaado Marwalba iyo meelkastaba oo aynu ku suganahay ama joogno.
Qalinkii Abdi Rahim Ibrahim Ahmed ( Boodhari)
Email. ahmedsaafi2014@outlook.com.

News Related