Published:

Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa Sheekha geeriyooaday Ilaahay uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir ka siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu jannadiisa ku casuumo, isaga oo ku dheeraaday kaalintii mugga lahayd ee uu ku lahaa barista iyo faafinta Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey daaci weyn iyo waqti badan geliyey akhriska iyo barista qawlka Eebbe oo aanu marnaba ka gaabbin muddadii uu noolaa,“Addoon wanaagsan oo intuu noolaa Qur’aan uun ama dhigayey, ama dhiganayey ama akhriyey buu ahaa, sida ay Diintu nagu tidhina waa Ahlul Janno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Marxuum Sheekh Maxamuud Aw Suufi Muxumed oo wasiirka Diinta iyo Awqaafta kasoo qabtay xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa muddo dheer kasoo dhigayey Rafsiirka Qur’aanka Kariimka ah masaajiddo kala duwan oo Hargeysa ku yaalla, waxana uu kamid ahaa culimada waaweyn ee reer Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

News Related