Published:

Hargeysa(GNO):-Ciidamada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa ayaa ku guulaystay in ay soo saaraan meydka alle ha u naxariistee wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Dhoobo oo uu liqay Balli ku yaala dhinaca Koonfureed ee Magaalada Hargeysa .
Ciidamada ayaa sheegay in marxuumka dhoobada hoose ee balligu ku dhagtey baadhitaan dheer ka dibna ay heleen meydkiisa, iyada oo goob joog ay ka ahaayeen ciidamada boolisku.
Ugu dambayn ciidanka Dab-damiska ayaa bulshada u soo jeediyey in ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

News Related