Published:

Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

Kalabaydh (1)Wuxuu ahaa askari ay geeridiisu dad badan taabatay. Shaqadiisa oo uu ku fiicnaa, dadka oo uu si fiican ula dhaqmi jiray, xilkasnimo iyo aqoon uu u lahaa shaqada uu qabanayey ayaa ka dhigtay in laga murugoodo geeridiisa. Ibraahin Faarax Diiriye oo ku magac-dheeraa Kalabaydh wuxuu ka tirsanaa ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland. Wuxuu ka hawlgeli jiray magaaalada Hargeysa. Wuxuu ahaa saddex alifle si mug leh looga arki jiray inuu shaqadiisa ku fiicnaa. “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Muddo dheer ayaan arki jiray kol kasta oo aan xafiiskayga kasoo baxo isagoo dadka tabaalaysan waddada ka tallaabinaya, baabuurtana kala hagaya, shaqadiisana si hufan oo farshaxan leh u gudanaya.” Ayuu yidhi Xamse Xumar-ku-joog oo sifaynayay aqoontii uu lahaa Kalabaydh.

Alle ha u naxariistee Jimcihii todobaadkii hore ee bishan July ay 3da ahayd ayuu Kalabaydh ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Dad fara badan oo aan ka mid ahay oo geeridiisu taabatay ayaa barahooda Facebook-ga dhigay sawirka iyo qoraallo gaagaaban oo tacsi u badan oo la xidhiidhay geerida Ibraahin Faarax Diiriye. Dad tiro badan ayaa qoraallo duco ah oo ay ilaahay naxariis iyo dembi-dhaaf loogu weydiinayo Facebook-ga si joogto ah ugu daabacayay intii ay geeridiisu cusbayd.

Qofku marka uu dun-wanaag u dhasho ee la mahadiyo waxtarkiisa, laga nabadgalo dhibkiisa wuxuu ku suntamaa quluubta dadka uu la nool yahay. Wuxuu ka tagaa magac iyo haybad marka uu geeriyoodo lagu xusuusto. Alle ha u naraxiistee marxuum Kalabaydh wuxuu ka mid yahay dadkaa.

Si looga gudbo hadal iyo ammaan loo jeediyo qofku marka uu geeriyoodo looguna beddelo waxtar muuqda oo la taabankaro, ayaa la guddoonsaday in la caawiyo qoyskii uu ka tegay Ibraahin Faarax Diiriye “Kalabaydh”. Ambassador Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa markii uu arkay wanaagga faraha badan ee laga sheegayay Kalabaydh, wuxuu ku soo taliyey in qoyskii uu ka geeriyooday waxtar la gaadhsiiyo oo aan la illaabin. Waxaana uu fikirkaa la wadaagay Saddaam Maxamed Axmed oo ka shaqeeya wasaaradda duulista iyo hawada ee Somaliland, isna wuu na soo gaadhsiiyey oo dhalinyaradii kale ee uu heli kariyey-na wuu la socodsiiyey in qoyskaa uu marxuumku ka tegay la caawiyo inta Ramadaantu aanay dhammaan. Waxaana wacyigelinta ugu badani ka socotay barta bulshadu ku xidhiidho ee Facebook-ga iyo telefoonno lagu wada hadlayay-ba.

Ilaahay mahadi ha gaadhee waxa qoyskii marxuum Kalabaydh shalay galab la gaadhsiiyey lana guddoonsiiyey lacag dhan $1300 oo doollar iyo raashin kala duwan. Lacagtaas waxa iska uruuriyey dhalinyaro kala duwan oo hal-beeg ka dhigatay in laga gudbo xabaalo-ammaanimada muddada dadka soo daashatay ee qofku marka uu dhinto uun la ammaano, oo ay ka mudan tahay waxtarka muuqanayaa.

Waxa booqday xaaska iyo carruurta uu Kalabaydh ka geeriyooday oo ka kooban lix carruur ah iyo hooyadood oo hadda uur leh dhalinyaro metelaysay intii lacagta bixisay si ay deeqdaa u soo guddoonsiiyaan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud, Xamse Cumar Ku-Joog, Barkhad Maxamuud Kaariye, Saddaam Maxamed Axmed iyo Cabdicasiis Caddaani.

Dareenkii ay hooyadaasi ku qaabisay deeqda la gaadhsiiyey ee ka timi dadka ka diir-naxay waxa sharxaya Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud: “Wallaashi marxallada ay hadda hooyadaasi ku jirtaa waa mid aad u culus. Waayo, marxuumkii dhintay guriga hanitada ah ee ay galaan mooyee dabadii waxa uu uga tegay ma jirto. Iyaduna waxay hadal nagu tidhi ‘Aniga oo ku kalsoon ilaahay qaybkiisa iyo dabadii waxa aanu helayno, haddana waxa aan ka werweray maanta haddii uu dhintay in aanan halanyn cid na siinaysa shan iyo toban kun oo biil ah.’ Marxuumkuna intii aanu dhiman carruurtiisa wuxuu ku yidhi ‘Aabbo ilaahay ayaan idinkaga tegay.’ Markaa wallaahi waa dad u baahan garab-gal iyo hiil.”

Hooyaddaasi markii lacagta loo dhiibay si kal iyo laab ah ayay u ducaysay. “Markii aanu lacagta u dhiibnay aad ayay u faraxday oo aad ayay u ducaysay. Waxaana ay nagu tidhi ‘Dadkii ilaahay ee uu nagaga tegay ayaad tihiin.’ Markaa qolo naga horraysay ayaa iyaguna $500 doollar gaadhsiiyey. Waxaana ay deggen yihiin jiinqad laba qoqol ah. Markii lacagtaa hore loo geeyey ayay $200 oo ka mid ah jiingad ku soo iibisay oo dayr uga dhigtay guriga si ay carruurta ugu ilaaliso.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud.

Labada deeqood ee qoyska marxuum Kalabaydh la guddoonsiiyey waxa ku yaboohay shacab siiba dhalinyaro. Inkasta oo mushaharkii uu booliska ka qaadan jiray Marxuumku ay qaadan doonaan sida ay sheegtay hooyadu, haddana weli dawladda caawinteedii qaybteedii way sugayaan.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/

News Related