Published:

Baydhabo(Haldoornews)-Ugu yaraan Lix Qof ayaa ku dhintay Dagaal culus oo duleedka degmada Baydhabo ee Goboka Bay ku Dhex-maray Ciidamada Xoogga Somalia iyo Xoogagga Taabacsan Al-shabaab.

Dagaalkan oo shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kulmis oo ku yaalla meel ku dhow degmada Baydhabo ayaa waxaa dadka ku dhintay la sheegay in afar ka mid ah ay ahaayeen Al-shabaab, halka labada kalena ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidammada xoogga dalka.

Caddoow Jimcaale oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in Al-shabaab ay soo weerartay saldhig ay ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Kulmis oo 8-km u jira degmada Baydhaba, ayna ku dileen qaar ka mid ah xoogaggii soo weeraray.

“Intii dagaalku socday waxaa nooga dhimatay laba askari, sidoo kalena waxaan dilnay afar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee nasoo weeraray,” ayuu Jimcaale u sheegay Wakaalada Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Sidoo kale, sarkaalkan ka tisran ciidamada Millateriga Somalia ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbeen xoogaggii weerarka soo qaaday inay ka baxsadaan goobta.

Dhanka kale, Salaad Madeey oo ka mid ah shacabka ku nool deegaanka Kulmis ayaa u sheegay in deegaankooda uu ka dhacay dagaal socday muddo saacado ah, kaasoo la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan.

“Guryaheenna kama aanan bixin karin waayo dagaalka wuxuu ahaa mid aad u xooggan, Markii uu dagaalku dhammaadayna xaaladdu waxay kusoo laabatay sidii caadiga ahayd,” ayuu yiri Madeey.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaa markii ay bishan Ramadaan billowga ahayd ku goodiyay inay xoojinayaan weerarrada ay la beegsanayaan goobaha ay ka taliso dowladda Somalia.

 

 

News Related