Published:

Maxkamadda_ICJ_Dacwad_Somalia_HOLMas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Somalia oo uu Hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. AxmedCali Daahir ayaa Maanta u gudbinaya Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo xarunteedu tahay Wadanka Holland dacwad ka dhan ah muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sida Qaanuunka Maxkamadda u yaalla uu qabo, dalka Kenya oo ah midka laga gudbinayo dacwadda ayaa xaq u leh inuu muddo sideed bilood ah oo marka laga gudbiyo dacwadda ka billaabanaysa uu kaga jawaabo-celiyo, taasoo micnaheedu yahay in Bisha Maarso ee Sannadka soo socda uu dhageysiga dacwaddan si rasmia ah u billaabanayo.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Dahir oo la hadlay BBC-da ayaa rajo ka muujiyay in dacwaddu ay guuleysan doono, isagoo intaas ku daray in dacwadan muddo labo sano ah laga soo shaqeynayay.

“Dacwada aan maanta gudbinayno laba sano ayaa laga soo shaqeynayay, waxaan jeclaan lahaa in ummadda Soomaaliyeed inay dowladda Somalia ku kalsoonaadaan iyo weliba dadka dacwaddan u taagan. Waxaan ugu bishaareynayaa Ummadeenna in dacwaddu ay tahay mid ay ku helayaan xaqooda, waxaana heysanaa kalsooni aad u weyn oo ah in dacwaddan ay guuleysanayso,” ayuu Xeer Ilaaliyaha Qaranku yiri.

Sidoo kale, Axmed Cali Daahir ayaa waxaa ku wehlinaya safarkiisa Qareeno caalami ah, iyadoo horay Dowladda Federaalka Somalia uga soo saartay hadal cad oo ah in aysan Gor-gortan geli karin badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Muranka xuduud badeedka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo jiitamaysay muddo dhowr sannadood ah, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ay ka dhawaajiyeen inay dacwaddan gudbiyeen, kaddib markii si hoose lagu xallin waayay murankan.

 

News Related