|
|||||
Gabileynewsonline.com
Dawlada Jarmalka oo Taageero ufidinaysa Qoxootiga Somalida ee Iskood ugu Laabanaya Somaliya Wakhti Somali badani kusoo Qulqulayaan Dalkeeda.
July 15, 2015 - Written by admin
Dalka Jarmalka ayaa ku deeqay €5 Milyan oo lacagta Euro ah taas oo la so marsiiyey hay’adda GIZ, si wax loogu qabto hormarinta nolosha dadka qaxootiga ah iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacay. Ms Julia Kronberg ayaa sheegtey in mashruucan uu hoosta ka xariiqayo dedaalka dalka Jarmalku ee ay ku laasimeen hormarinta iyo wada shaqeynta dalka Soomaaliya, waxaana ay calaamad u tahay sida hay’adda GIZ ay dib ugu soo laabatey Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka shaqeyneysey tan iyo sanadkii 2011 Dalka jarmalka ayaa ka mid ah dalalka sida Xawliga ah ay u soo galaan qoxootiga somalidu gaar ahaan Dhalinyarada Badaha ka soo gala ee ka soo Carara Faraha Talyaaniga iyo kuwa Meel kale oo ay tagaan waayaba, iyada oo ay dhawaanahan soo badanayaa dhalinyaro somaliyeed oo dalkoodii dib ugu laabanaya kuwaasi oo ka Codsada dawlada jarmalka inay ufududayso hawlaha noqoshadooda. haldoornews.com haldoornews@hotmail.com
COMMENTS
|
Latest News
|