Dr.Gaboose oo lagu Wado inuu Noqdo Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani ka dib markii C/raxmaan Cirro ku Fashilmay Hogaaminta Xisbigiisa oo Haldoorkiisii ka Dareereen.
July 16, 2015 - Written by admin
Hargeisa (Haldoornews)-Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid aha Siyaasiyiinta Miisaan iyo Maamuuska Culus ku leh Somaliland isla markaana Hankiisu Sareeyo ayaa lagu Wadaa inuu ka soo Dhex mudho xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ka dib markii uu iibsami waayay musharaxa Wakhtigan ee C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo la heehaabaya Hogaamintii Xisbiga iyo tii Golaha Wakiilada oo Toban Sanno jirsaday.