Published:

Hogaamiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mawqifka Mucaaradka ee ah inaanay xukumadda aqoonsan dooni bacda 27 July ku tilmaamay hadal aan wax ka soo qaad lahayn, waxaanu bulshada u soo jeediyay inay is dejiyaan oo aanay hadalkaasi dheg u dhigin.

Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa si gaar ah uga jawaabay Eedaha Jamaal Cali Xuseen, ee ku saabsan inaanay xukumadda aqoonsan doonin iyo madasha wadatashiga oo dacwad Ingiriiska uga gudbisay  masuuliyiin dhalasho Ingiriis ah haysa.

“Waxaa mucaaradka ka soo baxa hadalo kulkulul oo dadka cabsi galiya, waliba baayac mushtarka, ardayda iyo dadka nabadda jecel, kuwaasi oo odhanaya 27-ka July kadib dawladdi jiri mayso, dawladda ma aqoonsanin, xaggan baanu ka soo ridaynaa iyo xagan baa laga soo dhacayaa…umadda waxaan u sheegayaa waxaas waxa la yidhaa goolaaftan siyaasadeed.

Markaa rag siyaasiyiin ah, oo xisbiyo ku jira oo qaarkood Musharax sheegtaan ayaa waxay ku doodayaan 27-ka dawladda aqoonsan mayno, waxbaa dhacaya, waxaasi waa hadal goolaaftan ah oo aan umadda u sheegayo inaanay waxba dhacayn. Nabad baynu ku jiraynaa, barwaaqo ayaynu ku soconaynaa, waynu dedaalaynaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu sheegay inay dhaliil leeyihiin oo aanay wada sax ahayn hawlaha ay wadaan “ ma odhanayno dhaliil ma lihin. Haddaan idhaahdo Kulmiye dawladdiisu boqolkiiba boqol waa sax, dee Illaahay uun baa wax wada sax ah laga helaa waase la dadaalayaa, dhaliisha waa la ogol yahay in la isku sheego, waxaas baa inaga dhimman ee aan buuxinno waanu garanay laakiin, erayada imika soo duulduulaya ee ah cashuur bixin mayno iyo dawladda aamini mayno iyo dawladdaanu gaalo ka dacweynaynaa , gaalooy noo kaalaya anagu balaayadaas ma aragno. Waxaanu dadka u sheegaynaa ilaa inta doorashada oo hawsheeda lagu jiro laga gaadhayo in waxa dadka qaar sheegayaan hadoof tahay, dalkuna nabad yahay, dawladdana waxaynu u dooranay inay nabad galyada ilaaliso” ayuu yidhi Mr Muuse Biixi.

Guddoomiyaha Kulmiye ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad Hargeysa lagu qabtay oo Shirkadda Almis ku soo bandhigaysay Saliid Cusub, waxaanu hadalkiisu ku soo beegmayaa xilligu mucaaradku walaac xooggan ka qabo wakhtiga doorashada oo aan wali wakhti loo cayimin.

News Related