Published:

Hargeisa(Haldoornews.com)Kulan balaadhan oo hadhimo sharafeeda oo kulmiyay labada Beelood habar awal iyo beesha Magaadle ee degan gobolka Sanaag ayaa manta ka dhacay huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan oo kala hogaaminayeen Suldaanka Guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ay ku wehelinayeen salaadiinta beelahaha subeer awal iyo dhinaca beesha Magaadle oo uu horkacayo Boqorka beesha Magaadle Boqor Maxamuud iyo cuqaasha beeshaa ayaa kadib shir weyn ku yeeshay guriga Salaadiinta Habar awal shirkan oo saxaafadu debada ka ahayd ayaa warar xogogaali xaqiijiyeen in labada no beelood oo waalidnimo soo jireeni ka dhaxayso isku xog waraysteen laguna soo qaaday arimo ayka mid yihiin xaalada guud ee dalka balse war faahfaahsan laga soo saarin waxa intaas wararku ku dareen in shirkan I daba socdo shirar Doceedyo Guriga Subeer Awal ee Maansor u dhaw in sadexdii bilood ee udanbeeyayba si joogto ah uga socday ayadoo aanay jirin wax war oo kasoo baxay kulamada shirarka ee gurigan oo si isdaba jooga uga socday.

Iyo la Kulanka beelaha kala duwan ee reer Somaliland salaadiinta dhinaca habar awal waxa ka mid ahaa  suldaanka guud ee subeer awal oo ay  ku weheliyaan Suldan Mawlid Sabayse iyo Suldan shariif Batun iyo Ugaas Jabane xubno kale oo salaadiinta beelashasa.

News Related