Published:

Madaxweynihii hore ee Maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
ayaa ka dareen celiyey booqasho uu ku joogo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Dr. Faroole oo ay Hargeysa kusoo dhaweeyeen Faroole2madax-dhaqameed, Saaxiibbo iyo xubno kale oo ay xidid dhaw yihiin, ayaa qoraal kooban oo uu xalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ku sheegay in Hargeysa tahay magaaladiisii, inkasta oo aan ka raagay buu yidhi.

Cabdiraxmaan Faroole, ayaa qoraalka kooban ee uu Muuqaalka Hargeysa ku qaabishay kaga dareen celiyey ku yidhi sidan “Waxaan Booqday Hargaysa..waxaa iigu danbaysay waqti hore”

Dr. Faroole, ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Hargeysa Waa magaaladaydii……..”ayuu yidhi isla-markaana uu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyay.

News Related