Published:

xasan xawaashelAddis-ababa)Haldoornews)-Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir sare oo madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga doodayeen doorka xawaaladaha ay ka qaadan karaan maal-gashiga barnaamijyada horumarinta.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa barbar socda Shirweynaha Saddexaad ee Caalamiga ee Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta ee ay soo Qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horayn u Mahad-celiyay dalalka Beesha Caalamka ee uu iskaashiga kala dhexeeyo Soomaaliya, shirkadaha xawaaladaha iyo Soomaalida Qurba-joogta ah, doorka ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka ee dhinaca fududeynta xawaaladaha.

“Lacagta loosoo xawilo Soomaaliya waxay muhiim u tahay nolosha malaayiin qof oo ay saameeyeen abaaro iyo fakhri ka jira dalkeena. Waxaa kaloo ay lacagtaasi gacan ka geysataa dib u dhiska uu qarankeena u baahan yahay. Lacagta loosoo xawilo Soomaaliya waxaa sannadkii lagu qiyaasaa ku dhowaad 1.5 bilyan oo doollar, taas oo qiyaas ahaan gaareysa boqolkiiba konton dakhliga waddanka soo gala. Waxaa iyana xusid mudan in dad gaaraya boqolkiiba afartan shacabka Soomaaliya ay ku tiirsan yihiin lacagtaasi la soo xawilo’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Somalia ayaa khudbaddiisa sidoo kale ku xusey in Xawaaladaha aaney muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay kaalin muuqata ka qaataan dhaqaalaha dalal badan oo soo koraya.

“Xawaaladaha waa qeyb ka mid ah ilaha dakhliga xooggan ee soo gala dalalka soo koraya. Lacagtaasi waxay si weyn uga badan tahay deeqaha rasmi ahaan dhinaca horumarinta loo siiyo dalalka soo koraya. Sannadkii la soo dhaafey waxaa qiyaasta lacagaha loo soo xawilo dalalka soo koraya ay gaareysey 436 bilyan oo dollar, welina way sii kordheysaa. Tusaale ahaan Kenya waxaa la filayaa in lacagta xawaaladaha loogu soo diro ay sare u kacdo 10%, halka Uganda-na la filayo inay sare u kacdo 15%’,” ayuu intaas ku daray madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha DFS ayaa xusay in tallaabooyinkii dhowaan lagu xirey xawaaladaha lacagta u soo dira Somalia iyo dalalka gobolka ay Soomaaliya walaac weyn ka qabto, maadaama ay taasi dhalin karto in si sharci-darro ah lacagaha la isugu diro, isla markaana kooxaha argagixisada iyo dembiileyaasha ay ka ishaasi ka faa’ideystaan.

 

“Dowladda Soomaaliya way ogsoon tahay baahida loo qabo in la sameeyo nidaam hufan oo lagu xakameynayo lacagaha sida sharci-darrada ah la isugu gudbiyo iyo ka hortagga lacagaha ku dhaca gacanta kooxaha argagixisada. Waxaa inagu hor gudban caqabado badan, hanaanka sharci iyo nidaaminta adeegga maaliyadda ee dalkeena weli ma dhameystirna, waxaana jirta baahi ah in la abuuro nidaam u suuragelinaya Baanka Dhexe ee Soomaaliya inuu maamulo lacagaha la isu diro, ee gudaha iyo dibedda u kala gudbeysa’’.

 

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhawaan magaalada Washington lagu dhisay guddi la talin ah oo ka kooban, Bangiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Britain iyo Mareykanka, kuwaasoo taageeri doona hawlaha guddiga gaarka ee Soomaaliya ee qaabilsan kobcinta awoodda Baanka Dhexe ee Soomaaliya uu ku sameyn karo nidaam lagu maamulo shirkadaha xaawaladaha, dushana lagala socdo dhaqdhaqaaqa lacagaha la isu diro.

 

 

 

 

News Related