Published:

Hargeysa- Bisha Ramadaan fadaa’il badan ayey leedahay ka mid yihiin inay tahay bishii Ilaahay soo dediyey Qur’aanka kariimka, oo ah acmaasha bishan ummada islaamku ku camirayso akhriskiisa iyo barashadiisaba.

Ilaahay waxuu Qur’aanka kariimka inoogu sheegay in waxa ugu horeeya ee ummadu inay fuliso tahay salaada, marka ay hantaan dhulkooda, isla markaana waa camalka ugu horeeya ee qofka laga xisaabiyo aakhiro, oo hadii ay u hagaato, dhamaan camaladiisu hagaagayaan, hadii ay xumaatana dhamaan acmaashiisu la xumaanayaan, ilaahay ha inooga dhigo kuwa salaadoodu u hagaagtee.

Diinteenu waa nastaax ayuu macnaha xadiis nebgeenii Maxamed CSW sheegay ahaa, markii la weydiiyeyna waxuu raaciyey, waxay u tahay, Ilaahay, Rasuulkiisa, madaxda iyo raciyadooda, taasoo loo baahan yahay in qof walba waajibka ka saaran ka soo baxo

Si aynu acmaal wanaagsan ugu camirno bishan barakaysan ee Ramadaam oo weliba aynu ku jirno maalmahii ugu dambeeyey, uguna qaalisanaa ee habeenkii Layla’tul qadarku ku jiro, waxa loo baahan yahay inaynu isku boorino ku dedaalka camalada wanaagsan ee ilaahay inoo dhoweynaya.

sal

Dadkeenu baddi marka la yidhaahdo shaqo ayaa banaan waxuu qof walba diyaarsadaa aqoontii iyo khibradihii shaqadaa uu ku heli lahaa, balse waxaad moodaa inaanu qofna ka fekerin inuu aqoontiisa iyo khibradihiisa ku darsado, hadaan la weydiin xitaa aqoon aduun iyo aakhiraba wax weyn u tari lahayd oo ah aqoonta diinta iyo Qur’aanka kariimka.

Haddaba, tallo nasteex ah oo aduun iyo aakhiraba waxtar weyn u leh Madaxweynahaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilanyo, miisaankiisa aakhirana buuxinaysa, dalka iyo dadkuna faa’iido u leh ayaan jecelnahay inaan halkan ugu soo jeedino ku talaabsigeeda, uguna horeyso salaada iyo xoojinteeda.

Madaxweyne, maadama salaadu tahay waajibka ugu horeeya ee ummadeena islaamka ah saaran, waxaan kaa codsanayanaa si in badan ugu sii baraarugto gudashadeeda inaad qoraal ku bayaamiso in wakhtiyada salaada wakhtiga la gudanayo fasax loo helo dhamaan xafiisyada dawlada, sidaana wareegto ku dhaqan geliso.

Sidoo kale, Madaxweyne adigoo horena talaabooyin dhaxal-gal u ah diinta iyo dalkaba ugu dhaqaaqay waxaan kaa codsanaynaa inaad amar ku bixiso in dhamaan shuruudaha looga baahan yahay shaqooyinka cusub ee dawladda ku darto in qofku soo doonaya aqoon u leeyahay quraanka kariimka iyo diinta, taasoo dal iyo dadba aduun iyo aakhiraba wax u tari doonta.

Ugu dambayn Madaxweyne waxaan si xishmad leh kaaga codsanaynaa, maadama aad tahay hogaamiyahii ummada inaad horseed wanaag noogu nooqto dhamaan wax kastoo aduun iyo aakhiraba na anfacaya, ajarna aad ilaahay kaga heli doontid, ummadana abaal weyn kuugu hayn doonaan.

 

 

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye)

News Related