|
|||||
Gabileynewsonline.com
“Mucaaridka Waxaan Leeyahay Waraaq Yar oo Aanay Waxba ka Jirin Wakhti ha ku Luminina ”
July 9, 2015 - Written by adminAfhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho- indho),ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waraaq website-ka siraha faafiya ee Wikileaks lagu baahiyay oo sheegaysay in Somaliland ay la saxeexatay Soomaaliya midnimo ay dib ula galayso. Taasoo uu xildhibaanku ku sheegay mid aanay waxba ka jirin. Waxaa kale oo uu intaa ku daray Somaliland in aanay waraaq la qoray Xamar ku celinayn oo qadiyadda Madaxbannaanidu ay tahay lama taabtaan taasoo uu sheegay in rag dagaal iyo hub adeegsaday oo qaranimada weeraray in ay ku guul darraysteen oo ay dagaal dalka Xamar ku geyn kari waayeen. Waxaa kale oo uu asxaabta Mucaaridka ku eedeeyay in ay ku war-wareegayaan wax aan shaqadooda ahayn isla markaana aanay qabsan wixii shaqadoodu ahayd ee looga baahnaa. Waxaa uu ka digay in ay dhacdo in mar kale muddo kordhin loo baahdo.waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN.
Afhayeenka oo aanu wadiiyay waxa Guurtida uga meel yaalla go’aankii ay asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen,ayaa ku jawaabay. “Horta marka qodob sharci ahi yaallo cid kasta oo la timaadda wax ka soo horjeeda qodobkaa sharciga ahi waa wax aan la qaadanayn oo sharci darro ah la timid, waxaa ay ku heshiiyeenna waa waxba kama jiraan sababtoo ah siday sheegayaan ee ay leeyihiin waanu ku heshiinay waxay dhigaysaa in doorashooyinku ay qabsoomaan December haddii doorashadda Madaxweynaha laga helona dalku wuxuu gelayaa saddex bilood oo markaa Guurtidu ma ogola in dalku bilaa dawlad ku dhaco cidna kama yeelayno.”
Afhayeenka oo aanu waydiinay sida uu u arko waraaq maalmihii ugu dambaysay ay warbaahintu soo cel celinaysay ka hadalkeeda oo lagu baahiyay website-ka siraha dawladaha jabsada ee Wikileaks oo lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Soomaaliya la gashay heshiis qarsoodi ah oo midnimo sheegaya,ayaa ku jawaabay. “Horta waa wax lala yaabo in la yidhaahdo Somalilanad ayaa waraaq la qoray lagu gaynaysaa Xamar ,tolkay iyo Cali Khaliif dagaal ayay qaranka la galeen oo kaare ayay Xamar ku geyn kari waayeen markaa waa iska hadal waraaq ayaa Somaliland Xamar geynaysa mucaaridkana waxaan leeyahay wax aan jirin dadka ha ku jaho-wareerinina dalkani waa qaran dhawr iyo labaatan jirsaday oo aan go’aan shacbi ku goostay koox iyo waraaq iyo nin iska hadlay midna ma celin karo ee wararka beenta ah ee dadka lagu jahwareerinayo waa in ay mucaaridku ka daayaan oo hawl baa u taalla oo sugaysee waa in ay shaqadooda ka soo baxaan.”
COMMENTS
|
Latest News
|