Published:

Quwadaha Dunida ayaa heshiis kula galay Iran inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, taasoo ay ku bedelaneyso in laga dabciyo cuna qabateynta dhaqaale ee mudada saarnayd.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid muujinaya in diblomaasiyadda Mareykanku ay keeni karto isbedel dhab ah oo macno ku fadhiya.

Madaxweyne Obama ayaa yiri, “Heshiis buuxa oo mudada fog ah oo lala galo Iran waxa uu ka hor joogsanayaa inay sameysato hubka Nukliyeerka,”

Mr. Obama ayaa intaasi ku daray inuu codka diidmada qayaxan uu ku hor joogsan doono sharci kasta oo Kongaresska Mareykanka uu isku dayo inuu ku hor joogsado heshiiskan.

Madaxweyne Obama ayaa hadalkan jeediyay isla markii heshiiskan ay kaga dhawaaqeen magaalada Vienna madaxa Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini  iyo  wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Maxamed  Javad Zarif ka dib muddo todobaadyo ah oo wada xaajoodyo xooggan ay socdeen.

Heshiiskan ayaa joojinaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iran waxaana dusha kala soconaya hirgelintiisa hey’adda Qaramada Midoobay ee Nukliyeerka .

Mogherini ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid dheeli tiran oo xushmeynaya danaha dhamaan dhinacyada ku lugta leh.

 

Hadal kaas la mid ah waxaa warbaahinta afka Bershiyanka ugu sheegay wariyeyaasha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Javad Zarif .

Mogherini ayaa ku tilmaantay hehsiiskan mid dariiqa u furay bog cusub xiriirka caalamiga ah, isla markaana muujinaya in diblomaasiyadda, wada shaqeynta, iyo agaasinka fiican ay ka guuleysan karaan xiisado iyo iska soo horjeed muddo tobanaan sanadood ah oognaa.

Mr. Zarif ayaa heshiiskan ugu yeeray mid guul u ah labadaba Iran iyo kooxda loogu yeero P5+1 ee wada xaajoodkan kula jirtay, ee Britain, China, France, Russia, Mareykanka  iyo Germany.

Khudbad Telefishinka laga sii daayay ayaa Madaxweynaha Iran Xassan Rowxaani  waxa uu ku amaanay heshiiska wuxuna yiri “Iran waxaa u furmay bog cusub oo xiriirkeeda dunida ah.”

Heshiiskan ayaa u taagan xeer jajab taariikhi ah oo lagu xalinayo is mari waa muddo 12 sanadood ka badan soo jiitamayay, oo mararka qaar halis loogu jiray in colaad cusub uu ka dhaliyo Bariga Dhexe.

Heshiiskan ayaa dhaqane galaya ka dib marka uu ka soo gudbo dhowr caqabadood oo ka soo wajihi kara labadaba Washington iyo Tehran.

Qolyaha muxaafadka ah ee labada dhinac ayaa si weyn uga dagaalamay in la gaaro heshiis tanaasul uu ku jiro.

Caqabada ugu weyn ee heysata heshiiskan ayaa ah Kongresska Mareykanka oo ay maamulaan xubnaha Xisbiga Jamhuuriga oo laga filayo inay ka soo horjeestaan ka dib marka ay dib u eegis ku sameeyaan muddo 60 cisho ah.

Madaxweyne Obama ayaa isna la filayaa inuu codka diidamada Qayaxan ah uu ku hor joogsado sharci kasta oo Kongaressku uu ku diidao heshiiskan

 

News Related