Published:

Anagoo oo ah koox dhalinyaro ah, oo iska kaashanaaya sidii looga wada shaqey’n lahaa horumarka dhalinyarada dalka Somaliland

Anagoo oo ah koox dhalinyaro ah, oo iska kaashanaaya sidii looga wada shaqey’n lahaa horumarka dhalinyarada dalka Somaliland. Waxaanu aaminsannahay annagoo ah kuwo wax ku bartey kuna barbaarey dalka UK sidii aanu uga qayb qaadan lahay’n horumarka dhalinyarada. Ma nihin kuwo dhaqaale ku doonaya waxqabadka aanu dadkayagii iyo dalkayagii u sameyno Somaliland, balse waxaanu nahay kuwo dalkii hooyo wax ku celiya annagoo aaminsan fikrada ah gacmo wada jirbey wax ku gooyaan. Aduunyada dhul xumi ma jiro’laakiin dhulka dadkaa qurxiya.
Somaliland Football Association waxay la ciyaareen dalal faro badan oo ajaaniba ah kuwaas oo aad ka heli karto shabakada not4gottenfoundation.com annagoo ka duuleyna faafinta magaca Somaliland iyo kor u qaadista dalka. Hadaba iyadoo aanu ka bilaabeyno xaga ciyaaraha kubadda ayaanu UK ku sameynay kooxda kubada cagta oo hoos timaada Somaliland Football Association. Annagoo ka duuleyna mideynta dhalinyarada qurbaha iyo annagoo rabna kaalintayadii wadaninimo ee dibada looga baahnaa innaanu buuxino ama dhamey’s tirno. Waxa aad ka tilmaan qaadan kartaa waxqabadka aanu mudad dheer soo wadney Somaliland Football Association.
Sida la ogyahay waxa soo baxay dad xil qaran haya iyo kuwo aan hayn oo bilaabey inay ku qadhaabtaan magaca Somaliland iyo ereyga ictiraaf raadinta. Kuwaa waxa ka mid ah ninka qaranku uga fadhiyo dublamaasiyada Somaliland ugana hawl galo dalka UK, ninkaas oo ah Cali Aadan Cawaaleh oo mudooyinkan dhex muquurtey ciyaarihii dhalinyarada UK, kuna haftey xilkii siyaasadeed ee loo idmadey oo noqdey mid kala erdheeyey dhalinyaradii kubadda cagta ee UK, meel ka dhacna ku noqdey dhalinyarada kubadda cagta ee ku sugan dalkii.
Cali Aadan oo baryahan kaga go’day arimaha kubadda sida la ogsoon yahay aaney is dhex gali karin ciyaaraha iyo siyaasada, hase yeeshe fikradan oo Cali ku kala jabiyey bulshadii gaar ahaan dhalinyaradii UK ee uu qaarna ku sheegey qaran, qaarna uu ku duudsiyey xaquuqdoodii muwaadinnimo, isagoo dhinaca kale ka wata koox jacbur ah oo ay ku jiraan dad aan Somaliland u dhalin.
TVGA QARANKA WUXU KU SHAQEEYA EEX IYO DANO RAAC
Tvga qaranka Somaliland ninka masuulka ka ah laantiisa UK Mr Cabdiraxmaan Maxamed Aadan (Quful) magac bilaash kuma baxo, waxa ku qufulan aragtii ah inuu leeyahay laanta TVga qaranka UK, oo uu diiwaan gashan Somlink Media oo ah shirka uu iskagu si gaara u leeyahay taas oo keentey inuu ku fushado danihiisa gaarka ah iyo eexashada dadka uu bidaayo in ay hayb ama dano gaara ah ka dhexeeyaan waana sababta keentey inu buunbuuniyo kooxdii jacburka ahayd ee kubadda cagta ee dhawaan London ku ciyaarey ee u watey ninka ku magacaaban wakiilka wasaarada ciyaaraha Jaamac Olol oo ay ka wada dhaxayso dano gaara iyo is haybsi. Taas oo meesha ka saartay u sinaantii dhalinyarada ciyaaraha UK baahintii TVga qaranka. Taaso ay waliba u sii dheer tahay boobka iyo adeegsiga muqaaladii iyo sawiradii Somaliland Football Association la hayd oo xaysiis ahaan loo isticmaaley iyadoo ummaada looga dhigaayo kooxda jacburka ahayd ee ay buunbuuninaayeen taas oo ay uga dan lahaayeen in ummada lagu marin habaabiyo balse bulshada Somaliland si wayn u gaadhey fadeexada ku gadaamen kooxdii ay tunka ku siteen.
SOMALILAND FOOTBALL ASSOCIATION – BAAQ
Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada Somaliland siiba bulshada UK iyo xukuumada in laga feejignaado ficilada qadiyad ku macaashka ah ee doorkan ku habsadey dhalinyarada qurba jooga ah oo magacoodii lagu macaashaayo iyadoo dhalinyaradii wadankii joogtey hantidii lagu maal galin lahaa loo soo weydaariyo UK. Sidaa darted waxaanu war galineynaa in Somaliland Football Association in aaney marnaba taageersaneyn isla mar ahaan taana dhaleecaynayno waxa socda ee ay wataan Cali Aadan, Jaamac Olol iyo Cabdiraxmaan (Quful) oo u baahan in bulshada laga qabto si degdeg ah.
Press Conference: https://www.youtube.com/watch?v=59qEKs_q3k4
Ramadan Project: https://www.youtube.com/watch?v=7EmTYEbVIqU

Idiris Maxamed
Communications Officer
Somaliland Football Association, UK

News Related