Published:

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay gaadhay   Deegaanka Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle. Ciidanka ayaa Gudaha u galay Magaalada, iyadoo fadhiisimo dhawr ah ay ka  samaysteen Koonayaasha Magaalada.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in ciidamadu halkaas ku tageen Rabitaanka shacabka Reer Widhwidh, iyadoo Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanadaasi codsadeen in ciidamadu halkaas gaadhaan, isla-markaana kala dambaynta iyo iyo nidaamka gacanta ku qabtaan.

Ciidanka qaranka oo Maallinimadii Salaasadii Halkaas gaadhay, ayaa waxa si dirqi ah uga fakaday Keyse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaan jirey Wasiir-dawlihii arrimaha Bariga ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo hore xukuumadda uga cararay isagoo haya xilkii wasiirnimo, fadhiisinna ka dhigtay degaanka Widh-widh.

Keyse Cabdi Yuusuf oo xilligaas ay isku dhaceen Xubno uu wasiirka Madaxtooyadu kamid ahaa, ayaa haatan ku magacaabnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo-seeg, waxana la sheegayaa inuu Haatan duurka u baxsaday. Ma aha Keyse oo kali ah ragga gacanta ciidanka qaranka ka baxsaday, balse xubno sare oo hoggaamiya fidnada kooxdaasi deegaankaas ka waddo ayaa Halkaas saldhigyo ku lahaa, waxana dhibaatada ay shacabaka ku hayaan gaadhay heer qaylo dhaan ay ciidanka qaranka usoo dirsadaan.

Ciidamadan, ayaa la sheegayaa inay si nabadgelyo ah ugu sugan yihiin Fadhiisimo ay ka samaysteen Saddex goobood oo Magaalada ku Hareeraysan, waxana aagaas laga dareemayaa Nabadgelyo taam ah. Shacabka Deegaanka ayaa khaati ka joogsaday Lacago iyo xoolo joogto ah oo maleeshiyada khaatumo ay danahooda gaarka ah uga qaadan jireen, waxana odayaasha deegaanku cabasho ugu tageen ciidamada qaranka, iyadoo ka codsaday inay Deegaanka Maamulkiisa la wareegaan.

Ilaa iyo haatan xaaladda Deegaanka Widhwidh, ayaa deggenaan buuxda laga dareemayaa, waxana Waxoogaagii Maleeshiyada ahaa u yaaceen dhinaca Buuhoodle oo ah saldhiggooda ugu weyn, iyadoo ciidamada qaranku heegan ugu jiraan inay dhirbaaxo ku dhuftaan cidkasta oo nabadda waxyeello gaadhsiinaysa.

Ma jirin wax dagaal ama iska hor imaad ah oo Halkaas ka dhacay, waxana sida wararka nasoo gaadhayaa sheegayaan shacabku gacmo furan kusoo dhaweeyeen ciidamada qaranka ee Halkaas fadhiisimada ka samaystay.

Source-Hubaal

News Related