Published:

Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed, wasiirka diinta iyo awqaafka Somaliland oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa xaqiijiyay in maalinta barri ah  loo dareeri doono munaasabadda ciidal fidriga.

Wasiir khaliil ayaa sheegay in dayaxa bisha shuwaal laga arkay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland oo loo soo gudbiyay wasaarad ahaan, sidaasi awgeedna ay maalinta barri ah salaadda ciidda loo dareeri doono.

marka la eego caalamka islaamka meelaha curashada bisha Shuwaal laga arkay waxaa ka mid ah wadanka Indonesia.

waxaana muuqata in caalamka islaamka laysku raacsan yahay in maalinta barri  ah ay tahay kowda shuwaal oo ah oo ku beegan munaasabadda ciidal fidriga.wasiir

News Related