Published:

carte1Qaar ka tirsan Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in xil-ka-qaadis lagu sameeyo maalmaha soo socda iyadoo xubno cusub lagu soo dari doono Golaha Wasiirrada ee markii horeba tirada badnaa.

 Wargeyska The Indian Ocean ee ka soo baxa dalka France, oo soo xiganaya ilo ku dhow dhow Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dawlda taagta daran Soomaaliya, ayaa sheegay in la qorsheynayo in xilka laga qaado Wasiirka Arimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye iyo Wasiirka Gorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdiraxmaan Caynte iyo Wasiiro kale.

 Hadliye oo horey UN Monitering group ugu eedeysay in uu musuq maasuqay lacago malaayin doolar ah, xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, ayaa lagu beddeli doonaa Maxamed Cumar Carte oo hadda ah Ra’iisul Wasaare ku-Xigeen, isagoo isla jagadaas sii heyn doona. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegey in Xil-ka-qaadista kadib dacwad lunsi hantiyeed ah lagu soo oggo doono Cabdisalaam Hadliye.

 Cabdiraxmaan Caynte oo ah Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaasjiga Caalamiga ayaa la qorsheynayaa in lagu beddelo siyaasi la sheegay in uu kamid yahay saaxiibbada ku dhow dhow madaxweyne Xasan Sheekh, laguna magacaabo Ibraahim Mahad Alleh.

 Wasiirrada kale ee Xilalka laga qaadoyo ayaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiirada Caafimaadka.

Wasiiradan xilka la qaadayo, ayaa si wargeyku sheegay lagu eedeynayaa in gudashadii xilkooda ay ka gaabiyeen. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan 14 keedi beeniyey in uu qorsheynaayo isku shaandheyn Golihiisa Wasiirada.

http://www.africaintelligence.fr/LOI/politique-pouvoirs/2015/06/26/quatre-ministres-peu-performants-sur-le-depart,108079853-ART

News Related