|
|||||
Gabileynewsonline.com
Xisbiga WADDANI Oo Ganacsatadda Ugu Hanjabay Inay Kala Wareegi Doonaan Hantidooda Ma Guurtadda ah
July 2, 2015 - Written by adminXisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa caddeeyay in ay xoog kula wareegayaan hantida dadweynaha ee ay dawladdu ka iibisay haddii ay xukunka dalka qabtaan oo ay doorasho ku soo baxaan. Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee WADDANI Axmed Muumin Seed, waxaanu sheegay in qorshahooda xisbi ahaan ay ka mid tahay la wareegayaan Dhismeyaasha Gancasatada dalku ay sifaha sharciga ah xukuumadihii kala dambeeyay uga iibiyeen.
Tallaabadani waxay qeyb ka tahay qorshe uu xisbiga WADDANI ku doonayo inuu kula dagaalamo Ganacsatadda dalka oo ay ka doonayaan dhaqaalle ay ku galaan doorashooyinka lagu wado inay sanadaha soo socda ka dhacaan Somaliland. Qorshahan ayaa la sheegay inay ka soo fushay Guddi beeleedka Musdambeedka xisbiga WADDANI oo aaminsan in dhawaaqan ay dhaqaale kaga rux-ruxan karaan ganacsatadda.
COMMENTS
|
Latest News
|