Published:

Buule-burte(Haldoornews)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee degmada Buula-burte oo ay dhawaan la wareegeen ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegaya in halkaa goor dhaw uu ka dhacay qarax khasaare geystay.

Sida ay HOL u qaxiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan Halgan oo aan xiriir la sameynay qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu shaaho, oo waqtigaa ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

Qaraxa ayaa sababay dhaawaca ilaa afar ruux, lamana oga in qaraxu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuuray maqaaxida iyo miino goobta lagu aasay.

Deegaanka Halgan oo muddo dheer saldhig muhiim ah u aheyd xoogagga Al-shabaab waxaa dhawaan la wareegay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wali qeybo ka mid ah gobolka ka wadda howlgal lagula dirirayo dagaalyahannada Al-shabaab.

Haldoornews.com

Muqdisho office

haldoornews@hotmail.com

News Related