Saylac(Haldoornews)-Warka laga Helayo Gobolada Galbeedka Somaliland degmooyinka iyo deegaannada ku yaalla galbeedka ay ka jirto abaaro baahsani ayna waxyeello ka soo gaadhay dadka ku nool degmooyinka galbeedka iyo deegaannada hoos yimaada.
Guddoomiyaha Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa VOA u sheegay in degmada Seylac ay 7 qof haraad dartiis ugu dhinteen labaddii billood ee la soo dhaafay.
Abaartan ayaa ah mid saamaysay galbeedka oo ay ku jirto magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda uu ka codsaday in gurmad ay la soo gaadho dadka abaarto saameysay.
Guddoomiyaha ayaa abaartan ku sheegay midkii ugu xumayd ee ku dhufta degmooyinka iyo deegaannada hoosta ee galbeedka Somaliland.
Haldoornews.com