Hargeisa (Haldoornews)-Abwaanka Caanka ah ee Xasan Ismaaciil Daahir (Weedhsame) ayaa Kabaha la dulmaray Koox uu ubixiyay Salma Dhigayaasha oo Guulwadaynta Madaxtooyada Koob ku Qaatay kuwaasi oo ku Sheegay inay kaba Qaadnimada iyo Munaafaqadu Heerkii ugu Xumaa ka Gaadhay illaa ay Dumarkii Dirtaan.
Abwaanka oo Arintaasi Boggiisa Facebook-ga ku Shaaciyay ayaa waxaa uu hadalkiisa udhigay sida tan “Guul-wadeynta iyo kabo qaadnimadu ninka dhallinyarta ah ku fool xumaa. Kooxo aan aqaanno wallee xabaashoodu qodmi mayso. Masaasado waaweyn iyagoo looga buuxiyey caano xaaraan iyo duufa oo ay nuugayaan baan arkaa, kumase naaxaan. Waxa laga dhaadhiciyey oo ay aaminsan yihiin “siyaasiyiinta soo koraysa ee dalkan qabsanaysaa waa idinka”….. Duruusta ay bartaan casharadiisa waxa ka mida: u nacamlee, u raxlee, ka danayso, maxaa kaa galay, taada ku gaadh, kurka kala soco, iyo koorsooyin munaafaqnimo ah oo heer jaamacadeed ah. Ilaahoogu waa lacagta kolba cidda u dhiibtaana waa qiblada ay u tukadaan. Kooxdan oo aan u aqaano “SAL MA DHIGA” berigii hore rag odayaal ah baa ku shaqaysan jiray, imikase haween baa rartaba.” .
Abwaan Weedhsame isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi Raaciyay “Mujaahid Axmed musuqmaasuq ma yaqaano oo wuu ka xanaaqaa bay ku odhanayaan!!! Gofanayaashan dhiigga dadka ka jaqaya haddaa muxuu hoosta ugu haystaa? Mise isagu waxba ma cunee kuwa kala calaliskooda iyo raamsigooduu sida muusiga u dhegaystaa?”
Abwaan Xasan Daahir ayaa si Wayn uga Soo Horjeeda Nidaamka Maamul ee Dulmiga badan ee Biyo la,aanta Wata ee Dalka Somaliland ka jira Wakhti xaadirkan isaga oo hore Gabayo iyo Heesaba ugu Cabiray Dareenkiisa Arintaasi ku Aadan.
Xafiiska Warqabadka Haldoornews
contact@haldoornews.com
Hargeisa Somaliland