Hargeisa (Haldoornews)-Hees uu Sameeyay Abwaanka caanka ah ee reer Somaliland Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa Noqotay Hees Si wayn looga hadal hayo gayiga somalidu dagto gaar ahaan Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti oo runtii dhibtiisu ka badantahay dheeftiisa sida dad badani qabaan, markaad ka eegto dhinaca qadiyada somaliland.
Heestan oo uu Abwaanku sanadka Gudihiisa soo saaray ayaa ka mid ah Heesaha loogu jecelyahay ee uu qaado Fanaanka codka Toolmoon ee Maxamed Cabdi Siciid BK taasi oo dadku siyaabo badan ufasirtaan dadka qaarkoodna uba haystaan jacayl, balse dadka suugaanta falanqeeyaa badankoodu ku sheegeen in Heestani si toos ah utaabanayso Habdhaqanka Madaxwayne Ismaaciil cumar Geelle oo Gacalna la ah somaliland isla markaana Cadaw ku ah Qadiyadooda Guud iyada oo Xuduudii wadankiisuna mudda sanad ah ka xidhantahay isu socodka labada shacab ee walaalaha ah.
Ereyada Heesta waxaa ka mid ah sida tan:
Dhegeysi wacan oo dhuux ereyada miisaanka leh:
Wakhtigoo mar gudhanbaa, mar godlada barwaaqo,
Waa giraan Aduunyadu hadba gelinba caynee.
Dadka ruuxa gacan madhan, inkastoo go cawlan garabkiisa sudhan yahey,
Yaanu waayihii gabay kugu odhan Gob maaha,
Waxaad gelinba aragtiyo, hadba dhaayo guudkood,
Yey garasho kaa noqon.
Gobanimo ha wada bidin, ruuxaad galab is barateen,
Hana moodin gacalkaa, guushaada ruux neceb .
Adigoo gargaar bidey, ruuxa gacan ku sin kara,
Abaal maanta uu gabey, berri yaanu kuu gelin.
Cimriga iyo gugaagiyo, garaadkaaga kaasho,
Gurac hadalka ha u odhan, ha ku waayin ruux Gob ah, erey yaanu kaa ga yin.
halka hoose ka Daawo Muuqaalka Heesta isku dayna inaad dhuuxdo Ereyada Heesta iyo sida ay utaabanayaa Madaxwayne ismaaciil Cumar Geelle oo isagu Raaca hadba halka ay dantiisu ku jirto balse reer somaliland ay u haytaan Nin ka daacad ah qadiyadooda marka laga tago tixgalinta Qoyskiisa oo dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland.
Haldoornews Staff Writter
Hargeisa Somaliland
haldoornews@hotmail.com