Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka S/land Maxamed Cilmi Huuno oo
dhawaan loo soo magacaabey Wasaaradda Deegaanka horena looga soo eryay
wasaaradda kaluumeysiga markii la garan waayey si loola shaqeeyo ayaa
durba waxa uu ka abuurey Wasaaradda Deegaanka Buuq, Muran, iyo Isku
dir uu la dhex galey shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka.
Agaasimahan ayaa waxa uu si kibir iyo aqoon daro ah uu uga joojiyey
Mushaharkii shaqaalaha inta badan isaga oo ku andacoonaya waxa qorey
agaasimihii iga horeeyey, waxa kale oo uu hore uga joojiyey
shaqaalihii cusbaa ee sanadka 2015 ay wasaaradu qaadatey isaga oo ku
macneeyey lacagta loo qorey oo aheyd 6 bilood xaq uma wada laha ee
badh ha la iiga jaro balse dirqi ay kaga sii deysay Wasiirka
Wasaaradda Deeganku Marwo SHukri Xaaji Ismaaciil.
Haddaba Agaasimahan ayaa waxa uu ka dhex sameystay shaqaalaha
Wasaaradda qaar basaasiin ah oo usoo warama isaga oo ka dibna fulinaya
war kasta oo basaasiintaasi usoo sheegaan, taas oo keentay in ay isku
dhacaan dhamaan shaqaalaha wasaaradda gaar ahaan shaqaalaha Xarunta
iyo Agaasimaha Guud halka uu qaar masuuliyiin ahna ka joojiyey
shaqooyinkii sida Isuduwaha Gobolka M/jeex oo ilaa hadda khilaafkoodu
sababey in shaqadii wasaaraddu khalkhal gasho.
Agaasimahan ayaa si cad u musuq-maasuqay lacago loogu tallo-galay in
ay ku shaqeeyaan Isuduwayaasha goboladu isaga oo lacago aan la qiyaasi
kareynin ka cuney Miisaaniyada Wasaaradda Deegaaka.
Haddaba Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaqaalaha
wasaaradu ka codsanayaan in uu talaabo ka qaado Agaasimahan aan
aqoonta laheyn ee burburinaya habsami socodkii shaqo ee Wasaaradda
Deegaanka.
Waxa kale oo aanu soo gudbin doonaa dhamaan xogta Maamul xumo ee
Agaasimahani kusoo kordhiyey Wasaaradda.