Published:

 

Jowhar (Haldoornews)—Wafdi uu hogaaminayo Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

 

Ambasador Cali Ameriko ayaa magaalada waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan degmada Jowhar,

Soo dhaweyn ka dib ayaa Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Kenya Cali Maxamed Nuur Cali Ameriko waxaa loo gudbiyay xarunta maamulka gobolka halkaasi uu kula kulmay gudoomiyaha gobolka Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Ku xigeenkiisa Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) iyo mas’uuliyiin kale.

Ambassador Maxamed Cali Nuur ayaa ku tilmaamay booqashada uu ku tegey magaalada Jowhar inay tahay mid kamid ah safaradii uu ku marayay gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxana uu Safiirkii hore ee Soomaaliya uu shalay booqday degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.Safiirkii hore ee dalka Kenya u fadhiyay Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka qeybgalayaa xaflad loo sameynayo sanadguurada koowaad ee ka soo wareegatay la wareegida guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe uu la wareegay Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa hore u soo booqday qaar ka mid ah gobolada dalka sida maamul goboleedyada Jubaland,Galmudug iyo Puntand hase yeeshee waxaa loo diiday safiirka inuu booqdo xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne,waxayna booqashada uu ku tegey gobolka Sh/dhexe ay ku soo beegmaysaa iyadoo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe aan laga gaarin wax horumar ah oo aan ka ahayn saxiixa heshiiska maamul u sameynta labada gobol.

 

 

News Related