Hargeysa, (Haldoornews) – Bulaacad wayn oo ay shirkadda Dahabshiil ka qodayso wadada hormarta xarunta talaalka (Ex Civil Centre) ayaa sababta in wadooyinka badhtamaha magaaladda Hargeysa ay Zaxmaddii gaadiidka ee awalba ku badnayd ay maalmahan cirka isku shareerto, iyadoo dadka baabuurta wataa ay wakhti laba saacadood ku dhawdhaw ku qaadanayso inay gaadhaan ama kasoo noqdaan suuqyada iyo goobaha kale ee ay kasoo adeeganayaan.
Bulaacadan oo 22 mitir hoos loo qoday, balaceeduna yahay 6×3 mitir ayaa waxay soo gadhay wadadii u dhaxaysay daarta Dahabshiil ee laga horqodayo iyo xarunta talaalka ee kasoo horjeeda, iyadoo la arkayo daamurkii laga fujiyey wadada oo bulaacada garab-yaala. Fooqan shirkadda Dahabshiil oo hoostuna xawaalad tahay, dabaqyada sare-na yihiin hudheel la seexdo ayaa markii la dhisayey 2002-dii sidan oo kale wadada loogu soo durkiyey, iyadoo xiligaas uu Wargeyska Haatuf arrintaasi wax ka qoray.
Dhacdadan ayaa noqonaysa markii 2-aad ee Dahabshiil dhawr mitir oo sharci-daro ah uu kusoo durko wadadaasi halbawlaha u ah isu-socodka caasimadda. Zaxmadda gaadiidka ee Hargeysa ayaa wakhtiba wakhtiga ka danbeeya sii xumaanaysa, waxaanay inta badan ka dhacdaa meelaha ay wadooyinku ku kulmaan ama isku laanqeereeyaan (road intersection), iyadoo aanay lahayn taraafik carbisan ama gooladdo (da-waar) iyo ishaarado oo kala hagga isu-socodka gaadiidka, taas oo sababta inay madaxa isla-galaan oo ay samaysmaan layman dhaadheer oo baabuurtu isku cayn iyo bayd go’do.
Gaadiidka iyo dadka meel ay kala maraan la waxa magaaladda Hargeysa u dheer biyaha oo wakhtiyada roobabka wadooyinka burburiya isla markaana dhagaxaan waawayn iyo khashin badanba dhigga, ka dib markii la dhistay suryooyinkii ay mari jireen ee dooxa ku ridi-jiray. Balse mushkiladan zaxmadda gaadiidka wali si cilmaysan looma darsin, waxaana kolba ka taliya dad aan aqoonteeda lahayn oo wax iska alifa sida wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade oo afar bilood ka hor ku dhawaaqay in labada waddo ee ugu waawayn ee mara badhtamaha magaaladda Hargeysa midna barri loo socdo mid galbeed, oo hadana ciidii dhawayd dib u kala badalay jihadii hore ee socodka labada wado.
Alifaada Warancade ayaan waxba ka tarrin zaxmaddii waddo-marista inay sii cakirto mooyaane.
Waxa kale oo talaabadani dhaqaale tirtay qoysas badan oo quutal-daruuriga ka heli jiray meherado ay ku lahaan jireen hareeraha labadaasi waddo, ka dib markii ay gaadiidkii ka leexdeen jihadii ay wadada kaga yaaleen. Waxa kale oo ay talaabadaasi lagu degdegay qaali-garaysay sixirkii lacagta ay basasku ku qaadi jireen ardayda wax ka dhigata dugsiyadda iyo jaamacadaha xaafadahooda ka fogfog, taas oo keentay in tiro aan yarayn oo ka mid ahi ay awoodi kari waayaan inay iska bixiyaan oo ay sidaas waxbarashadii kaga joogsadaan.
Bas-layaasha ayaa lacagtan ay ardayda ku kordhiyeen ku sababeeyey masaafada dheer ee ay noqotay inay kasoo wareegeen si arday u gaadhsiiyaan xarumahoodii waxbarasho, taas oo ay ku doodeen in shidaal dheeraad ahi kaga baxayo.
Source: Haatuf.