Published:

Hargeisa (Haldoornews)- Suugaantu Way macnayaal badantahay Abwaanku marka uu Heesta Sameeyona waxaa sii Faaqida Bulshada, sidaa Darteed Heestan oo Fanaanka C/raxmaan Oday Qaaday Habeenkii Ciidii ayaa Siyaabo kala Duwan Bulshadu aragtaa iyada oo qaarba dhinac umacnaystaan Aragtida dad badan ayaa umuuqata sidan hoos ku xusan ee ka Baggo Nuxurka iyo faaqidaada ereyada.

Madaxweyne Silanyo o ahaa Geesi dhiiraan, una soo halgamey sharafta iyo karaamada dadkiisa, waxaanu maanta garawsadey in da’I heyso, aanu awoodi karin in uu dalka sii hogaamiyo. Wuxuu rabaa in uu iska nasto, laakiin cidii ehel ahaan ugu dhawayd ee galdaloolooyinkiisa asturi lahaa ayaa u diidan in uu dantii hadlo, waayo iyaga u dan maaha in Madaxweynuhu hawsha ka fadhiisto. Kooxdaas Madaxweynaha u diidan in uu hadlo waa Shaqsiyaadka Habaaran ee boog iyo bar madow ku ah xukuumadiisa, waana koox deymadoodu dhowdahey, tamasha diciif ah leh, danyarta dhiba, damiirkoodu iib yahey, dadnimo ka maqan tahey, doorashadana diidan, darajadooduna heyn tahey.

Intuu dayaxu maqan yahey,

Intuu jaawiguna cimiq yahey,

Intuu dareenku nugul yahey,

Intay deymadu dhowdahay,

Intuu jaceylku dadan yahey,

Inta dulmi caashaqu badan yahey,

Ama dookhu nacab yahey,

Aduunyadu biseyl tahey, i daaya.

Daaya, daaya, dantii ha hadlee daaya.

Anigu dood ma karaayo, tamashadan diciifka ah,

Waan u diidey naftee, i daaya.

Intuu danyare dhiban yahey,

Dalasiixuna badan yahey,

Intuu damiirku iib yahey,

Intey dadnimadu maqantahey,

Intey doorashadu xidhan tahey,

Inta dembi caashaqu badan yahey,

Ama duudsi cadi jiro,

Darajaduna heyn tahey, i daaya.

Anigu daal ma awoodo, duubka oon ka dhibtoodo,

Waan u diidey naftee, i daaya.

Ereyada Heestan oo uu Sameeyay Abwaan lagu magacaabo Jiglaawi ayaa waxaa laxanka ku ladhay Fanaanka Codka saaray ee C/raxmaan Oday.

Haldoornews Staff Writter

Hargeisa Somaliland

haldoornews@hotmail.comhaldoor kartoon

News Related