Published:

khaliijiHargeysa, (Haldoornews) -Fanaanka rug cadaaga ah ee Cabdijibaar Al Khaliiji oo ay weheliyaan xubnaha ugu codka macaan uguna caansan fanaaninta xidigaha geeska iyo Kooxda Nice stars iyo fanankii waynaa ee Shay Mire Dacar ayaa jimcaha soo socda ee 27 ka bishan August ee 8aad magaalada Hargaeysa kusoo bandighi doona Show la magic baxay SHOWGA CABDIJIBAAR ALKHALIIJI IYO XIDIGAHA GEESKA. Showgaa oo lagu qaban doono hoolka wayn ee Crown Hotel ee magaalada Hargaysa ayaa ah kii ugu horeeyay ee fananka Cabdijibar Alkhaliiji ku soo bandhigo Somaliland intii ka dambaysay 1991 markii Somaliland xoriyadeedi dib ugala soo noqotay Somalia.

Fanaaniinta habeenkaa Cabdijibaar ku wehelin doona Showga waxa kamid ah fanaaniinta xidigaha geeska oo ay ugu horeyan; Maxamed Siciid BK, Yurub Geenyo, Nimcaan Hilaac iyo Cabdirahmaan Oday.

waxa iyana aan ka maqnayn showga fanaanadii codka macaanayd ee Ubax Fahmo oo matalaysa Kooxda Nice Stars iyo fanankii codka dahabiga ah lahaa ee Shay Mire Dacar.

Hadaba hamoogaanina inaad ka soo qayb gashaan showgan oo qiimaha lagu galayaa yahay $20 (labaatan doolar).

waxii faahfaahina ah ee intaa dheer kala soo xidhiidh meherada Jaahuur Top Design ama telefoonadan; 063-4118830 or 063-4756889

News Related