Published:

nuurLondon (Haldoornews)- Fanaanka Caanka ah ee Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) ayaa Hambalyo Udiray Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah oo Maanta mar kale ku Guulaystay Orodka 5000 ee Mitir ee ka Socday Dalka China.

Fanaanka oo Dareenkiisa ku Cabiray Barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa Waxa uu hadalkiisa udhigay sidan “Congratulations once more to our hero Mo Farah !!!!!! you made us happy again and we are proud of you son !!!! Dayaxii iftiimoow , halyeygii dalkaygoow,, Dunidaba dhammaanteed ,, haldoorkii ka soo baxay,, danabkii ka badiyoow,, Moyoow na deeqdee,, waannuu kuu duceynnee,, ka dambana horreeyoo,, daadihi ciyaartoo,, weligaa dib haw noqon.”

Fanaanka Nuur Daalacay ayaa ka mid ah Fanaaniinta Reer Somaliland ee Taageera Dhalinyaradda Reer Somaliland ee Horumarka ku Talaabsday isla markaana dhiiri galin usameeya.

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

Hargiesa Office

News Related