Published:

Istanbul(Haldoornews)-Laba Weerar oo kala Duwan ayaa maanta ka Dhacay Dalka Turkeyga Gaar ahaan Magaalada Istanbul.
Weerarka koowaad, ayaa laga shakisan yahay in qof baabuur ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ku qarxiyay saldhig boliis iyadoo uu dhaawacay toban qof oo ay ku jiraan saddex boliis.
Israsaasayn xigtay ayaa laba mintidiin lagu dilay, boliis dhaawacmayna waxuu ku dhintay isbitaalka.
Saacado kadib, koox hubaysan ayaa weerarary xafiis ay leedahay safaarada Maraykanka. Mid ka mid ah dadka weerarka soo qaaday oo dumar ah ayaa la xiray wayna dhaawacantay.
Koonfur bari Turkiga, afar boliis ayaa ku dhintay qarax miino jidka la dhigay, hal askarina waa uu dhintay markii helikobtar milatari la weeraray.
Turkiga ayaa kordhisay ammaankeeda, kadib markii ay bilawday bishii hore weerar ay ku qaadayso kooxda Daacish ee ka dagaalamaya Suuriya iyo mucaaradka Kurdiyiin ee waqooyiga Ciraaq.

News Related